Bashiir Maanta, Shalayna Sadaam
Transkript
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAA OO TODOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO ILAYS ILAY FOUNDER IN 1991 C/SHKUUR MIRE AADAN ILAYS EDITOR OMAR SICIID M’ED AXAD 8 MARCH 2009- Caddadkii 11aad, Tell:-90712246 ama 66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh Bashiir Maanta, Shalayna Sadaam “Nin Dharbaaxa Quureed Dugsaday “Dhashaaday Eersataa Dhaqayadeed Maalye” Xaajadaa Dhowrataa Abide” Al-Bashiir Ma Dambiile Dagaal baa? W/Q :-Ashkir Nuur Ahmed, M Biddix, Obama,Gordon Brown, Raisul Wasaaraha Ingriiska, dhexda Sarkozy, Madaxweynaha Fransiis ,iyo Luis ,qareenkii soo Oogay Dacwada, Midig, Madax. Suudaan oo ku dhex Jira Mudaharadayaal axkamada Dambiyada Dagaalka ee (ICC) ayaa 4 March, 2009, waxay soo saartay Warqad lagu soo xirayo Madaxweynaha Wadanka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, waxaana lagu soo eedeeyay in Dambiyo Dagaal oo Bani’aadanimada ka dhan ah uu ka galay Gobolka Darfur ee dalka Suudaan. Haddaba, Dambiga loo Haysto Al-bashii ma xaqiiqaa mise waa dhalanteed kale oo Wadamada reer Galbeedku rabaan inay ku mashquuliyaan Golaha Xukuumadda Puntland Oo isku raacay Ummada reer Suudaan,Dowladaha Carabta iyo Isku jaangooynta Canshuurta iyo Sarifka Dollarka. kuwa africanka, waxaa iswaydiin mudan, Maxay Garowe,05,March, 2009 yihiin Dambiyada lagu eedaynayo Madaxweyne Kulankii caadiga ahaa ee Todo- Al-bashiir.Bal aynu dib u milicsano sidii uu ku bilbaad walba isugu iman jireen lowday Dagaalka Gobolka Darfur. Gollaha Xukuumadda DGPL ayaa Khamiis, 05 March 2009 ka dha- Dagaalka Gobolka Darfur waxa uu bilowdey cay Xarunta Madaxtooyadda ee 2003,ka dib markii ay dagaalameen Shuftada loo yaqaan Janjawiid iyo jabhado ka soo jeeda Dadka Garowe. Kulankaas waxaa Gudoomi- u badan ee u dhashay Darfur. nayey Madaxweynaha DGPL Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Fa- Darfuur ma aha sida ay jecelyihiin Kooxaha u roole. Ajandayaashii ugu muhiim- dooda xuquuqda reer daarfuur, Degaan hal Qasanaa ee looga hadlay ayaa ahaa biil uu deganyahay balse waa meel ay daganyihiin warbixin ay soo jeediyeen khubaro Qabaa’ilo ku abtirsadadad dad kala duwan laaSoomaaliyeed oo ku takhasu- kinse isku diin ah,waxaa xaqiiqa in ay u badanyisay degaanka. Maxadmed Xas- hiin dadka loo yaqaan (foor) oo waxaa loogu bixian Barre iyo sarkaal ka socday yay daarta reer foor ama hooyga reer foor,laakinse Haya’dda Care International ayaa Darfur waxaa dega qabaa’ilo fara badan sida Alsi faahfaahsan waxay uga hadleen habaaniya, Al-tacaayusha, Al-zaqaawa iyo Arab khatarta ku soo fool leh degaanka al- ruxal. iyo xaalufka aafeeyey dhul daaqsimeedkii iyo duurjoogtiiba. Waxaa Degaanka Darfur waxaa uu ka kooban yahay sadxubnaha Gollaha Wasiirada loo dex gobol oo ay wada degaan Qabaa’ilka carabta qaybiyey qoraal ay soo diyaarisay iyo afrikaankaba, hase yeeshee markii uu dagaalka Sokeeya ka qarxay darfur, Wasaaradda Degaanka. Gollaha Wasiirada P/land Oo Fadhiya Kulankii Khamiislaha EEG BOGGA 2AAD EEG BOGGA 3AAD GUDAHA EEG BOGGA 2AAD WARAYSI AL-JAZEERA ABUUMANSUUR: BEENLOW MISE NIN LAGU BEEN ABUURTAY? EEG BOGGA 4AAD Somaliya: Sun Ma lagu Aasay? ‘’Maxaa Loo dilay Ilaria Alpi’ EEG BOGGA 5AAD Nabar Aan Dawoobeyn. Sheeko Taxane ah EEG BOGGA 4AAD AXAD 8 MARCH 2009 Maxaa sababey dagal beeleedka Bari? Xigasho, Garoweonline.com aamulka Puntland ayaa wafti hogaaminaya ciidamo u direy degaanka Ufeyn ee ku yaala gobolka Barri halkaas oo isku-horimad uu ku dhexmarey beelo walaalo ah oo wada daga. M Beelaha Cali Jibraahiil iyo Cali Saleban ayaa Iska-horimaad ku dhexmarey Isniintii degaanka Moqor halkaas oo muran dhuleed ka taagnaa muddo Afar bilood ah. Dagaalkan ayaa sida warar aan la xaqiijin sheegayaan iney ku dhinteen 5 qof oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamey halka dhaawacu cagacageynayo 15 toban. Murankaan dhuleed oo maamulka uu madaxweynaha ka yahay Cabdiraxman Farole la kowsadey markii uu xukunka qabtey ayaa salka ku haya kadib markii shirkada [Africa Oil] u sheegtey qabaaíl halkaas wada daga in ceel shidaal ka heleen degaanka ku xeeran Ufeyn. Africa Oil oo shirkada Range Recource ka iibsatey qayb ka tirsan heshiis muran siyasdeed dhaliyey ayaa heshiis baaritaan la gashay shirkad la yeerahdo IMC taasoo weli aan xog ah u soo gudbin maamulka cusub ee Puntland. Khilaafka u dhexeeya labadaan belood ayaa dhinaca kale cirka isku shareeray kadib markii Beesha Cali Saleebaan degaankaanka Moqor ka dhistey Baraag iyo Masjid halka beesha kale maleeshiyaad soo dhoobeen goobtaas. Maamulka Puntland oo dhexdhexaadin ka galey is-maandhaafkaan dhuleed ee u dhexeeya labada beelood ayaa beesha Cali-Saleebaan ku xirtey inay halkaas ka guurto in marka hore la keeno nin beesha kale ka dhashay oo horey dil u gaystey. Warar kale ayaa shegaya in besha Cali Jibrahiil keentay dadkii lagu tuhunsana dilkas hore balse beesha Cali Saleban odayaasheeda ku guldareysten in maleshiyadkooda ka soo raraan degaankas islamarkaana bur-buriyaan dhismayashii halkas laga dhisey. Madaxweynaha DGPL oo shir degdeg ah la galey xubno ka tirsan Wasiiradiisa ayaa halkaas u soo direy ciidamo xoogan oo ay hogaminayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Ilka-jiir iyo Wasiirka aminga Cabdulahi Siciid halka magalada Bosaso ka baxen xubno ka tirsan odayaasha labada beelood ee wada daga. Mamulka iminka ka arrimiya Puntland ayaa ka dhaxlay Xukuumadii hore khilafaad u dhexeeya beelo wada daga gobolada Nugaal & Barri kuwaasoo laga yaabo iney hakad galiyan dib u sax Xukumada cusub sheegtey iney sameynayso hayádaha dowliga ah. 2 ILAYS NEWSPAPER Bashiir Maanta, Shalayna Sadaam T aarikhda ayaa ah mid dadka barta waayo aragnimada nolosha laga dhaxlo ee is jiirka xadaaraha weligood tartanku ka dhexeeyey. Laba sano iyo dheeraaad ayaa qool qoorto loo suray hogaamiye carbeed oo waqti ahaa mid si weyn reergalbeedka iyo Yuhuud u neceb yihiin. Waxaa la is weydiin karaa maxaa uu eersaday Sadam Xuseen Al-Majiid.? Miyeey dhab tahay sababta loo daldalay dad lagu laayey xaafada la yiraahdo Dejeel ee ka tirsan Wadankuu Madaxweynaha ka ahaa . waa su’aal furan oo la isweydiin karo maxaa loogu Maxkamadayn waayey Boqolalkii Falastiiniyiinta ahaa ee uu ku gumaaday Sabra iyo Shaatila Lebnaan Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Israa’iil Areil Sharon? Maya Naftiisa ayuu difaacayey,,,,,,, ayaa reer Galbeedku qiil ka dhigtaan. Sadam markii la daldalayey waxaa garabaha ka hayey oo uu ka diiday inay indhaha ugu xiraan maradii madoobayd laba dhalin yara ah oo asalkoodii yahay Yuhuuda reer Ciraaq. Daddalaadaas ayaa ahayd fariin loo dirayey Hogaamiyaasha Carabta iyo kuwa Islaamka ahba. Waxaa loogu sheegayey in midkii ka mid ah iyaga, waa hogaanka Muslimiinta e inuu sidaas ku dambayn doono hadii aanu qaadan waxa loo sheego.. Xeer Madaxweyne. Garowe,07 March,2009 Waxaa xafiiska Madaxweynaha ka soo baxday xeer Lrkiisu yahay 16,kuna saabsanaa Qiimaha Doollar iyo qaadista Canshuurta100%. Xeerkan ayaa ahaa qodob ka mid ah qodobadii ka soo baxay Shirkii Khamiista ee ay yeesheen golaha Xukuumadda. 1.In laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 07/03/2009,qiimaha Canshuurta halka Doolar, ooh ore u ahaa 22,000/Sh/So laga dhigay 28,000/Sh/So,halka Doolar,laguna qabanayo Canshuurta Dawladda. 2.In Canshuurta Dawladda loo qaado si buuxda 100% siiba qaadka ee loo samayn jiray waxa loo yaqaan discountka. 3.xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo Xeerkan ayaa ah mid uu saxeexay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr:Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud. Xeerkani waxaa uu ku soo beegmay iyadoo Qiimaha Dollarku uu aad hoos ugu dhacay Maalmaha Dhowaan waxaa Yuhud Olmert amray in la galo oo la xasuuqo dadka degan Qazza. Dunidoo dhami waa daawanaysay. Xeegee ayuu jiray Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Haag. Oohintu orgi ka weyn. Maxay tahay sababta loo daba joogaa oo Bashiir loo leeyahay waxaa uu galay dembi dagaal.ma waxaa loo danaynayaa dadka reer Daafuur. Ma ahan arrintu reer Daafuur, waxaa la doonayaa in la burburiyo Sudan. Madaxweyne Bashiir waxaa uu u muuqday nin isku hayn karayey Sudan. Waxaa uu heshiis la gaaray Mucaaradkii Konfurta. Markaas ka dib ayaa la abaabulay dhibaatada Daafur . si loo muujiyo in lagu xad gudbay waxaa loogu yeero xuquuqda Aaadamaha. Ma fahmi kartaa waxaa dagaalka catnkaas ah loogu hayo AlBashiir , waxaa kale ma ahane waa isagoo u janjeera ku dhaqanka Shareecadda Islaamka , iyo Xisbiga uu hogaamiyo oo astaan islaanimo ka muuqato. Waayo maxay shacabka reer Daafur ee islaamka ahi kaga duwanaan karaan Shacabka reer Falastiin ee Yuuhuudu Gumaaday….. Xabsi u taxaabida Al-Bashiir ayaa qasdiga laga leeyahay waxay tahay oo keliya in dadka Islaamka ah ay ka daawadaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ku dhex jira qasafka Maxkamada KA YIMID BOGGA 1AAD Al-Bashiir Ma Dambiilaa-- w axaa soo baxay Hogaamiyayaal reer darfur oo sameeyay Jabhado la dagaalama xukuumada sudan, islamarkaana u ekeysiiyay dagaalka Darfur, dagaal u dhexeeyay Carabta iyo Dadka Afrikaanka, C/waaxid Maxamed Al-nuur oo ka bartay cilmiga Qaanuunka Jaamacada Al-khartuum, Haddana Dalka faransiiska degan, wuxuuna sameeyay Dhaqaaqa loo yaqaan Xorraynta Suudan, isla waqtigaas waxaa kaloo la sameeyay Dhaqdhaqaaqa kale ee loo yaqaan Sinaanta Iyo Cadaalada oo uu Hogaamiyo Dr. Khalid Ibraahim oo ah nin ku takhakhusay Caafimaadka,kana qalan jebiyay Jaamacada Al-jazeera. Dhaqdhaqaaqyadan reer darfur waxay ku eedeeyeen Xukuumada khartuum in ay garab istaagta Jabhada Janjawiid oo ah burcada dadka reer darfur Xasuuqda, balse arrintu waxay ahayd in dadkan ay isku haystaan Beero iyo dhul-daaqsimaad, Dowlada Suudaan waxay markii horre Dagaal ku qaaday Jabhadaha Xorraynta Suudaan iyo Jabahada Sinnaanta iyo Caddaalada,laakiin dagaalkii wuu istaagi waayey oo dowlada Suudaan waxaa qasab ku noqotay in ay wadahadal ku xaliso mushkillada Darfur, waxaa loogu yeero mida Caalamga ah. Go’aanka geesimiada lahaa ee ay qaadatay Dawladda Sudan ayaa ahaa mid ku dayasho mudan. Waayo Maxkamadaasi sharci uma lahan go’aanka soo qabashada hogaamiyaha Sudan. Waa geesinimadii lagu yaqaanay inuu Sudan ka eryo kuwa loogu yeero samafalayaasha . balse ah Jawaasiista reer galbeedka. Isu soo bixii ka dhacay Khartuum ee uu ka hadlay Al-Bashiir waxay dadka Soomaaliyeed dib u soo xusuusisay kolkuu Maraykanku isku dayey inuu soo qabto Hogaamiye kooxeedkii Soomaaliyeed ee Gen, Maxamed Faarax Caydiid. Taasoo lagu guuldaraystay. Markaas sow la ma oran karo reer Sudan ma ka litaan taageerayaashii Caydiid ee iyagu diiday in la soo qabto hogaamiyahoodii. Xumaan iyo samaan kuu doono ha lahaadee.Mise waxay la mid noqon doonaan dhoohanayaasha reer Ciraaq oo hortooda lagu daldalay haduu xumaa iyo haduu fiicnaaba Sadam Xuseen. Waxaa ka war dhowraa waa talabada dhabta ah ee reer Sudan mucaarad iyo mu’aydiba ka qaadi doonaan talaabada aan la aqbali karay ee ay ku talaabsadeen xeer ilaaliyayaashaa waxa loogu yeero Maxkamada Caalamiga ah ee Dembiyada dagaal. waxayna u yeertay jabahadihii dagaalka ka waday daarfoor oo markii horre ahaa 2 jabhadood oo qura markii danbase noqdey 40 jabhadood. Taariikhdu markay ahayd 2006, Dowlada Suudaan waxay la heshiisay xooga xoreynta suudaan oo ahaa dhaqdhaqaaq ka go’ay dhaqdhaqaaqii C/wahiid al nuur, waxaana hogaamiyay ururkaas ninka loo yaqaan Minii Arkoo Manaawi, wuxuuna noqdey caawiyaha madaxweynaha Suudan,isla markaasna waxaa loo magaacay Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee gobolka daarfoor. Mr Manaawi waxaa uu ka soo jeeda qabiil Al zaqaawa,waana isla qabiilka uu ka soo jeedo khaliil ibraahiim oo madax ka ah Jabhadda sinnaanta Iyo Cadaalada,waana qabiil daga wadamada Suudaan iyo Chad Arrintu siday doonto ha ahaatee, Jabhadihii kale ee ka dagaalamayay Gobolka Darfur way ku qanci waayeen Wadahaladii ay wadeen Midowga Africa iyo wadamada kale, waxayna sii wadaan dagaalkii iyagoo gacan ka helaya dowlada shisheeye ooy ka mid yihiin Chad iyo faransiika. Suxufi Ashkir, Cadadka xiga ayuu ku faahfaahin doona Arrinta Darfur 3 ILAYS NEWSPAPER KA YIMID BOGGA 1aad Golaha Xukuumadda Puntland Oo isku raacay Isku jaangooynta Canshuurta iyo Sarifka Dollarka. Garowe, 5,March,2009, Intaas ka dib ayaa Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Dr. Faarx Cali Shire waxaa uu gollaha u soo jeediyey warbixin ku saabsanayd qoraalo ay u soo gudbiyeen gudigii Dhaqaaalaha ee uu dhowaan magacaabay Madaxweynuhu, waxaa kaloo uu soo bandhigay qaab la isugu jaangooynayo canshuurta DGPL hadda qaado iyo heeheebka sarifka Dollar-ka, Wasiirka Maaliyadda ayaa si cad u qeexay in miisaniyadda lagu dhaqmo iminka tahay midi la jaangooyey Sanadkii 2002-dii. Balse Doolarkii is bedelay. Canshuurtuse aanay is bedelin. Waxaa uu sheegay in qofka qaataa hal malyan iyo bar sanadkii 2002-dii uu helayey ku dhowaad boqol dollar halka maanta hal malyan iyo barku ku dhigmo afartan Dollar.. Waxaa Wasiirku Gollaha u sheegay in kororka lacageed ee imaankaraa uu yahay mid aad u yar marka la isu dheeli tiro lacagaha qalaad iyo shilin Soomaaliga . waxaa uu sheegay inay miisaaniyadda ku kordhi karto Shan Bilyan oo shilin. Xubno ka mid ah Gollaha Wasiirada ayaa soo jeediyey in Canshuurxad dhaaf ah lagu soo rog Qaadka iyo Sigaarka , iyadoo kuwa kalena soo jeediyeen in waxyaabaha aan daruuriga ahayn canshuur la saaro. Guud ahaan Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in qaabka Canshuuraha loo qaado ee Puntland dib u habayn lagu samaynayo oo la soo gaarsiinayo hababka casriga ah ee caalamka wax looga canshuuro. Gabgabadii kulankaas ayaa Madaxweynaha DGPL Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole waxaa uu soo jeediyey in cashuur kordhinta ay iska leeyihiin Gollaha Barlamaanka , Gollaha Xukuumaduna ay soo jeedinta leedahay. Sidaas darteed dheeli tirka sarifka shilin Somaliga iyo dollarka oo keliya ay xukuumadu awood u leedahay. Waxaa kaloo uu carabaabay in kororkaas dheeli tirka sarifka ay si siman u wada gaarayso dhamaan waxyaabaha la canshuuro ee aan mid ama koox si gaar ah loogu kordhin Karin ilaa Gollaha Barlamaanku anxisiyo soo jeedinta Gollaha Xukuumadda. Golaha Wakiilada PL oo Xarun Cusub loo Dhisayo Garowe, 06,March,2009 Puntlandpost.com M.waynaha PL Dr.C/raxmaan Sheekh Maxamed ayaa booqasho ku tagay duleedka magaalada garowe ee dhanka waqooyi halkaa soo ay ka dhisan tahay xarun loo sameeyay Wasaaradda Caafimaadka wuxuuna M.waynuhu sheegay in Golaha Wakiilada isla meeshan looga dhisi doono xarun cusub oo casri ah. Dr.C/raxmaan wuxuu sheegay in dhulka buuralayda ah ee dhanka galbeed ee magaalada oo dhan ay dawladu leedahay cid sheegan kartaana aysan jirin wuxuuna amar ku baxshay in cid kastaaba oo dhagax dhigatay ay ka gurtaan haddii kale ay dawlada hoose ay u daabuli doonto dhismaha xabsiga magaalada. M.waynuhu wuxuu kaloo sheegay in dhammaan xarumaha dawlada loo soo rari doono buuralayda magaalada duleedkeeda ah wuxuuna isla goobtaasi ku baxshay amar in ay xarumo ka dhistaan dhowr Wasaaradood oo ka mid tahay Wasaaradda Caddaalada oo uu halkaasi joogay Wasiirka Wasaaradaasi C/risaaq Yaasin C/lle. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Golaha Wakiiladu ay yeeshaan xarun cusub oo ka baxsan magaalada wuxuuna dadwaynaha dhagax dhigtay goobtaasi ka cosaday in ay dhagxaantooda ay uga gurtaan si hufan. Duqa Caasumada Garoowe C/qaadir Cismaan Samatar (foodcade) ayaa wuxuu sheegay in dawlada hoose ay fulinayso amarka M.waynaha wuxuuna dadwaynaha u jeediyay in muddo 15 maalmood ay kaga gurtaan dhagxaanta ay dhigteen wixiii iminka ka dambeeyana uu dhulkaasi yahay dhul dawladeed. Inj.C/qaadir Xaaji Ciise Xaaji Cumar oo ah Injineerka dhisaya dhammaan dhsimayaasha dawlada ee cusub ahna madaxa shirkada dhismaha ee Mubarak Construction Company ayaa wuxuu sheegay in uu mar hore diyaarshay naqshada dhismaha cusub ee xarunta Golaha Wakiilada ayna isku raaceen M.waynaha iyo Guddiga joogtada ah ee Wakiilada. Inj. C/qaadir wuxuu sheegay in uu naqshad habaysan oo bilicsan oo wax kasta u dhan yihiin uu samayn doono marka uu helo xuduudaha dhulka (Bounders) ee la doonayo in laga dhiso xarumaha dawlada oo ay madaxtooyadu ka mid tahay. Dhulkan ay dawladu doonayso in ay u guurto oo loo raro dhammaan xarumaha dawlada oo ay ka mid tahay madaxtooyada ayaa wuxuu yahay dhul buuralay ah oo ad u qurxoon oo ka sareeya magaalada wuxuuna dhanka galbeed ka xigaa xerada ciidmada ee 54-aad. WARAYSI AXAD 8 MARCH 2009 ABUUMANSUUR: BEENLOW MISE NIN LAGU BEEN ABUURTAY? QAYBTII 2AAD Haddaba kuwaasi markii ay ku talaxtageen ka ganacsiga muslimiinta bay mujaahidiintu go’aansadeen inay la dagaallamaan, waxayna weerareen Airporradii ulajeeddooyinkaas loo isticmaali jiray, dadkii gacantooda ku jirayna iyagoo bedqaba bay kasoo furteen. Markaas keddib waxa billaabmay hawlgalkii wadajirka aan u fulinnay annaga iyo maxkamadihii islaamka. Taageerada shacbiguna qaybweyn bay ka qaadatay soo afjariddii dagaalka. Hawlgalkaas keddib dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab wuxuu noqday mid can ka ah dalka. Annagu waxyaabahaas oo dhan waxaan ugu dhaqannaa sida ay yihiin, laakiin sidii khilaafada Islaamka loosoo celin lahaa, waxan taas ku gaaraynaa diin fidinta iyo xisaabtanka iyo jihaadka. Dadka waxan u caddaynaa waddada saxda ah, waanan iska leexinnaa cid kasta oo diin fidintaas hor istaagta, waxanan sidaas kusoo celinaynaa khilaafadii Islaamka, arrintaas soo billaabashadeediina hadda way muuqataa oo Baydhabo shareecada Alle ayaa laga fuliyaa. Al-Jazeera: Waxaa jira dad dhahaya waxad xiriir la leedihiin ururka Al-Qaacida, arrintaas dhabteedu maxay tahay?. Al-Jazeera: Sida aad sheegayso hadduu arrinku yahay, qabuuraha oo la dudumiyo ama Alaska in la gaaro oo halkaas shareecada lagu dhaqaa ma kamid yihiin yoolalkiinna maanta kuwa ugu horreeya?. Abuu-Mansuur: Xiriirka naga dhexeeyaa waa xiriirka qofka muslinka ah kala dhexeeya walaalkiisa muslinka ah, caqiiqada muslinkana waxa dhuuxeeda kamid ah Al-Walaa’u walBaraa (La jir iyo ka jir) oo ah in aad ka fogaato gaalada oo aad xiiririso muslimiinta oo dhan oo aad jeclaato. Waa kaas xiriirka nagala dhexeeyaa. Way noo duceeyaan, waaanan u duceyanaa. Mararka qaar waxay Internetka ku baafiyaan talooyin aan wax badan ka faaideysanno ama farriimo ay Internetka inoosoo mariyaan oon aad ugu faraxno, waxana ugu dambeeyay cajalkii uu soo diray walaalkeen Abuu-Yaxya Al-Liibiyi. Hadalka caynkaas ah markaan maqalnana aad baan ugu faraxnaa. Ma jiro xiriir dhow oo keenaya in aan iyaga kamid nahay ama iyagu ay naga mid yihiin, laakiin waynu iska tirsannahay marka laga eego inay muslimiin yihiin. Iyagu waa mujaahidiin, cadawgeennuna waa mid, Maraykanka ayay la dagaalaan annaguna waan la dagaalnaa, gaalada kale ayay la dagaalaan annaguna waan la dagaalnaa, waxay doonayaan inay shareecada Alle dhulka ku fuliyaan annaguna sidoo kale, waxan diidaynaa xuduud beenaadda uu isticmaarku sameeyay oo u diidaysa qofka Ciraaqiga ahi inuu Jordan tago, Sacuudiguna Yaman tago, waxanan codsanaynaa in dalalka Islaamka la mideeyo, ayaguna sidaas bay doonayaan. Waxa jiraa waa uun intaas, laakiin urur ahaan kama tirsanin, laakiin aad ayaan u jecelnahay. Al-Jazeera: Dhaqdhaqaaqiinnu yoolalka uu hiigsanayaa ma u kala horreeyaan? Abuu-Mansuur: Shareecada Islaamku waxay wax ku xukuntaa kitaabka, sunnada, wada-jirka Culumada (ijmaaca) iyo cabbirka (qiyaasta). Abuu-Mansuur:Anigu magaalada Baydhabo ayaan marka hore hagaajinayaa, waxanan ka hirgelinayaa ku dhaqanka shareecada Alle, keddib waxaan u gudbayaa Diinsoor oo kamid ah magaalooyinka gobolka Bay ayada ayaanan hagaajinayaa, sidaas bayna arrimuhu u soconayaan. Markaad rabtid inaad geed fuushis jiridda ayaad ka billaabaysaa ee ku boodi maysid laamaha. Warkaas waxa faafiyay kanaalka AlGezira ee Afka Ingiriiska ku hadla, waxayna warkaas ka gudbiyeen nin xamaasadaysan isagoo leh shareecada ayaan ka fulinaynaa Alaska, warkaas oo u eg mid ay yiraahdeen rag ka tirsanaa maxkamaidhii Islaamka. Warkaas waa la’ii sheegay ee anigu qof ahaantiisa kama aanan maqal. Waxay dheheen Ciidda waxaan ku tukanaynaa Addis Ababa, arrintaasina ma aysan dhicin. Waxa warkaas yiri dad aynaan garanayn, laakiin kuma jiro istiraatiijiyadeenna. Ma doonayno in aan cidna ku xadgudubno. Waxaan doonaynaa in aan dhulkeenna hagaajisanno, diinta Islaamkuna khasab mid lagu soo galo ma aha. Dhanka qabuuraha, meelaha uu dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta AlShabaab keligiis xukumo waxa ku yaal qubuuro, hana rumaysannina haddii la idin yiraa waa la dudumiyay. Duduminteedu shareecada ma waafaqsan tahay mise maya taasi waa mas’alo kale oo baaritaankeeda leh., waana la faaqidi karaa marka waqtiga ku habboon la gaaro.Annagu waan naqaannaa waxa kutubta ku qoran, laakiin arrinkaas in laga hadlo waqtigaan hadda la joogo waa wax kale. LA SOCO CADADKA XIGA AXAD 8 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER Barnaamijka Xukumadda Dawlad Goboleedka Puntland 2009-2012. QAYBTII 3aad AMNIGA: A mnigu waa asaaska nolosha adamaha ama noolaha oo dhan. Waxaana muhiim aha inaan xoogeenna oo dhan saarno, dawlad iyo shacabba, sugidiisa si wadajir, loogu wada hawlgalo melmarintiisa. Taas oo ah gundhigga siyasadda amniga ee xukumadaan. Haddaba, waxaa xukumaddan ka go’an: • Sugidda iyo xojinta amniga dalka oo dhinac walba ah; sida difaaca xuduudaha DGPL iyo xojinta amniga gudaha, la dagaalanka burcad badeedka, afduubka berriga iyo tahriibta, si loo yareeyo dhibaatada dadka loo gaysanayo, nabadeynta beelaha, daryeelka iyo ilaalinta deegaanka. • Adkeynta midnimada iyo amniga DGPL iyo soo celinta qeybaha hadda maqan, sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo la adeegsanayo qorshe cad oo laga baaraandegay oo tala wadaag ah. • Helidda ciidan TIRAKOOBAN oo dhab ah, lana arki karo, oo aan aheyn kuwa waraaqaha mushaarka keliya ku qoran (jooge maqane). Waxaa xukuumaddu durba ku tallaabsatay magacaabid iyo hawlgalka guddi nabadgeliyo oo madaxbannaan (independent security commission) oo loo xilsaaray tirakoobka, diiwangelinta iyo dib-u-habeynta ciidamada Drawishta, Poliska iyo Asluubta. Tirakoobkani wuxuu ka mid yahay tallaabooyinka Xukumaddu ku talagashan tahay inay ku saxdo ammaanka iyo dhaqaalahaba. Waxaa looga golleyahay in la helo ciidan kooban oo la bixinkaro mushaarkiisa iyo kharashyaadkiisa kale, dabadeedna la tababari karo, si loo helo ciidan taya leh oo hanankara nabadgeliyada dalka. DHAQAALAHA. Sal-u-dhigidda iyo hurumarinta dhaqaalaha Dawlad Goboleedka Puntland waa arrin muhiim ah. Dhaqaaleheenu wuxuu ku salaysanaan doonaa: • dhiiri gelinta suuqa xorta ah oo dar dar gelinaya maalgelinta lahaanshaha gaarka ah (private sector); • dakhliga dawliga ah (Public sector revenue), oo aan hadda is bixin karin; • dhaqaalaha hay’adaha caalamig ah ka soo gala dalka oo hadda mashaariicdii oo dhan istaagtay ammaan darro darteed. Waxay xukuumadani fulin doontaa, haddii Alle idmo •In la helo miisaaniyad isu dheeli tiran, oo kharashku uusan dakhliga ka badnayn,lana balaariyo ilaha 4 Nabar Aan Dawoobeyn. (Sheeko Taxane Ah) W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays dakhliga dawladda, dakhliga baaqdana la soo xereeyo, si kor loogu qaado mushahaarooyinka, iyadoo la eexinayo kor u qaadidda maciishadda hoosaysa ee dadwaynaha. Haddaba, waxaa durbadiiba Xukumaddu ku tallabsatay in la tirakoobo shaqaalaha iyo ciidamada Dawladda, si loo ogaado inta dhab ahaan ka howlgasha hey’ad walba oo dawli ah, dabdeena la jaangooyo inta wasaarad ama hey’ad waliba u bahaan tahay. Tasi waxay wax weyn ka tareysaa tayenta shaqada la qabanayo iyo awood u helidda bixinta musharooyinka. • Inay dar dar geliso suuqa xorta ah, si loo dhiiri geliyo maalgashiga debedda, loona helo horumar dhaqaale oo shaqo abuurid leh. • Inay xukuumaddu la dirirto, xakamaysana, sicir bararka iyo lacagaha been abuurka ah oo dalka la soo geliyo, ama lagu sameyn jiray gudihiisa. • In la dhiiri geliyo horumarka khayraadka dabiiciga ah ee beeraha, iyadoo biyo mareenada waawayn ee dalka looga faa’ideysanayo maalgalinta mashaariicda beeraha. • In si xawli ah loogu hawl galo badbaadinta deegaanka oo ay faro kulul ku hayaan cashiimaysiga, dhuxul shidida, boholaha, qashinka magaalooyinka iyo wasakhda biyo mareenada. • In hay’adaha caalamiga ah lagu dhiiri geliyo inay dalka dib ugu soo noqdaan iyagoo amaankooda la sugayo si mashaariicdii baaqatay iyo kuwa cusub loo bilaabo. • In xukuumaddu ku dadaasho inay tartiib tartiib u buuxiso farqiga dhaqaale (Economic gap) oo ay hadda buuxiyaan hay’adaha caalamig ah, si looga kaaftoomo ku tiirsanaantooda. • In la soo nooleeyo qorshihii shanta sano oo la dhamaystiray, si loogaga qaybtamo barnaamijka dib u dhiska iyo horumarinta Somalia oo loo yaqaan (Reconstruction and Devolvement Plan for Somalia). QAYBTII 2AAD “Idman, xabiibi, waan ku faraxsanahay in caawa markii iigu horreysey aan codkaaga maqlo…,” buu Shirwac sheekadii ku furay isagoo taas dhiirrigalin uga dhigaya Idman oo uu codkeeda ka dareemay xishood iyo firkanax. “Aniguna sidoo kale…,” bay ku jawaabtey iyadoo ay weli naxdini ka muuqato, codkeeduna uu weli gariirayo sidii qof ay koronto qabsatay. Idman waxay ahayd gabdhaha aadka ugu dhiirran ku-sheekeysiga taleefannada. Waxay awoodi jirtey in waxay doonto ay ku sheegto taleefanka. Waxay ahayd gabdhaha ka baqa shukaansiga fool-ka-foolka ah, balse ku dhiirran kan taleefanka. Laakiin, waxay wiilal dhaaxaa taleefanka been ugu sheegto, kuwo kalena caloosha kasoo riddaba, caawa iyada ayey haysataa, oo waatan dhuunteedu uu hadalka kasoo bixi la’yahay. “Idman, xabiibi, maqalka codkaagu wuxuu igu sii kordhiyey jacaylkii aan kuu qabey, waxaan Eebe ka baryayaa inuu noo suurtageliyo in aan is aragno…,” buu mar kale ku yiri. “Xabiibi, shirwac, aniguna sidoo kale, waanse is arki doonnaa haddii Eebbe isu keen qoray,” bay si dhiirran ku tiri iyadoo aad mooddo in markan uu xishoodku kasii ba’ayo. “I love you…Waan ku jeclahay, Idman,” buu ku yiri intuu codkiisii hoos u dhigay sidii qof ilmaynaya. “I love you too…Aniguna waan ku jeclahay, Shirwac,” bay ku tiri. Idman intey is celin kari weydey bay is-aragtay iyadoo ilmaynaysa. Waxay qaadi kari weydey oo jirkeeda gilgiley culeyska erayga ugu xoogga badan erayada oo dhan ee ah ‘Waan ku jeclahay’. Inkastoo aysan ahayn markii ugu horreysey ee lagu yiraahdo ‘Waan ku jeclahay’, misana waxay ahayd markii ugu horreysey nolosheeda ee ay si dhab ah u rumeysatay in la jecel yahay!!!. Idman iyo Shirwac habeenkaas waxay taleefanka ku wada hadlayeen muddo afar saac ah. Idman Waxay keligeed yuururtey daaradda guriga oo mugdi ahayd. Gurigoodu wuxuu ku yiil xaafadda Garsoor oo caan ku ahayd kaneecada. Dad badan ayaa xaafaddaas uga guurey kaneeco darteed. Idman habeenkaas waxay wehel u noqotay kaneecadii xaafadda Garsoor ee albaabada iyo daaqadaha laga soo xirtay. Kaneeco tira badan oo sidii Ayaxii raxan-raxan u socota ayaa cuneysey meel kastoo jirkeeda ka mid ah. Laakiin iyadu ma aysan dareemeyn xanuunka kaneecadaas jiigga ka jaqaysey, waayo waxaa ruxayey oo illowsiinayey dareen kaloo ka xoog weyn. Hooyadeed oo aadaankii koowaad ee salaadda subax ku toostay, intey albaabkii qolkeeda iska furtay bay dibedda usoo baxday. Waxay daaradda guriga ku aragtay gabadheedii oo keligeed dhex yuururta, taleefankana dhegta ku haysa. Idman wax shanqar ah ma aysan dareemin. Xitaa furitaanka albaabka iyo dhaqdhaaqa hooyadeed ma aysan maqal. Waxay ahayd maqane-jooge. Qolfoofteeda uun baa daaradda dhex fadhidey mooyee niyaddeedu meel kale bay ka heeseysay. Waxay dhex dabbaalanaysey hirar ay rogayeen mawjado xoog badan. Dareenkeedu wuxuu Miniyaabolis kula caweynayey gacaliyaheed. Nuuro intey gabadheedii usoo dhowaatey iyadoo yaabban oo cabbaar dhageysatey erayadii afkeeda kasoo baxayey bay kaga nixisay: “Hooyo, sidaan waa doqonnimo, orod oo seexo, maxay tahay ‘Adigaan ifka kuugu jeclahay’, naa wax iskula har, waxaanse ka baqayaa in mar kale jacayl aan jirin laguugu luggooyo oo aad dabin kale lugaha la gasho. Wacad Alla, qof waalan baad u egtahay…Naa orod oo seexo…” Idman intey sheekadii taleefanka si deggan usoo gabagabeysey bay qolkeedii gashay iyadoo aan hooyadeed u jawaabin. Habeenkaas waxay u ahayd habeen farxadeed. Ma aysan seexan. Sariirta uun bay ku galgalaneysey. Qaybta xusuusdhowrka maskaxdeeda ayaa kolba ugu soo celcelineysey sheekadii dheereyd ee dhex martay iyada iyo Shirwac, waxaana daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa kusii kordhayey jacaylkii ay u qabtay. Erayadii jacaylku ka da’ayey oo ay is dhaafsanayeen ayaa ku reebay xusuus aan marna guuri doonin. Idman iyo Shirwac waxay habeenkaas ku heshiiyeen in habeen kasta ay taleefanka ku wada hadlaan. Aroortii waagu markuu beryey bay indhaha is gelisey. Hase yeeshee, wax yar kaddib waxay indhaha ku kala qaadday goor barqo ah hooyadeed oo dul taagan iyadoo leh: “Naa, hurdada ka kacoo quraaco, anigu ma garanayo danta aad leedahay, dan baadse leedahay, runtaase laysugu tegayaa, habeen kasta taleefan baa lagu dhafrayaa. Allow sahal amuuraha.”. La Soco Cadadka Xiga 5 ILAYS NEWSPAPER Somaliya: Sun Ma lagu Aasay? ‘’Maxaa Loo dilay Ilaria Alpi’ Qaybta 7aad Tarjumadii: SomaliTalk.com | Janaayo 2009 Telefishaanka RAI oo ka warbixinayey maraakiibta SHIFCO ayaa sheegay in xukuumadii hanti wadaagga ahayd ee Talyaaniga ee ra’iisul wasaare Bettino Craxi ay maraakiibtaas ugu deeqday dawladii kacaanka Soomaaliyeed. Craxi waxa uu ra’iisul wasaare ka ahaa Talyaaniga intii u dhaxaysay August 1983 – April 1987. Craxi waxa uu Soomaaliya booqday September 1985, isagoo noqday ra’iisul wasaarihii Talyaaniga ee ugu horeeyey ee Booqda Muqdisho. Jariidadda Washington Post, cadadkeedii January 24, 1993, ayaa qortay qormo ay cinwaan uga dhigtay “Xiriirka Talyaaniga: Sidii ay Rooma u caawintay Burburka Soomaaliya.” Jariidadda ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sida uu Talyaanigu u burburiyey Soomaaliya isagoo isticmaalayey habka loo yaqaan Mashaariic aad u baallaran oo hadana aan waxba dalka ku kordhinayn ama sii burburiyay. Waxaana jariidadu tusaale u soo qaadatay in Talyaanigu uu Soomaaliya ka “hirgeliyey” ilaa 114 mashruuc inii u dhaxaysay 1981 ilaa 1990 oo ay ku baxday lacag gaareysa billion dollars. Marka laga reebo mashaariic kooban (sida mashruucii tallaalka ee hay’adaha aan dawliga ahayn), nidaamkii Talyaanigu waxa uu aahaa wax aan caqliga geli karin iyo khasaaro. Jariidadda oo arrimahaas farta ku fiiqeysey waxay tiri: Qiyaastii $250 million oo doolar ayaa lagu kharash gareeyay jidka isku xira GaroweBosaso kaas oo dherer kiisu yahay 450 kilometers, jidkaas oo xoolaha reer baadiyihu ay lug kaga gudbaan. (Qoraa Soomaaliyeed oo markii ugu horeysey booqday Jidka laamiga ee isku xira Boosaaso-Garoowe ayaa aad waxa uu ula yaabay jid dhexmaraya toggaga oo aan Buundo lahay, gaar ahaan xilliga roobku da’o oo khasab tahay in laga istaago ilaa biyuhu togga ka dhammaanayaan. Qoraaga waxaa loo sheegay in ay dhacday maalin roob da’ay in qof dhakhtar degdeg ugu baahan gaari lagu qaaday, laakiin maadaama uu laamigu dhex jiifo togga ay biyo xoog leh marayeen in muddo saddex maalmood ah qofkii xanuunsanaa lagu hayey gaarigii oo taagnaa gebiga kale oo loo gudbin waayey magaaladii dhakhtarku ku yaal). Washington Post, waxay qortay: Muqdisho cisbitaal ku yaal waxaa lagu kharash gareeyey $40 million oo lagu dhigay qalab aan farsamadiisa la socodsiin karin, muddo kooban ayuuna cisbitaalkii ku baaba’ay. Xitaa Jaamacadda Muqdisho oo Talyaanigu hirgeliyeen waxaa macallimiinta Talyaaniga ah la siin jirey mushahar macallin kasta oo gaaraya inta u dhaxaysa $16,000 iyo $20,000 bil kasta. (Arday dhigan jirey Jaamacaddii Muqdisho ayaa xusuustay: in Jaamacadda la keenay Telefoono casri ah oo lacag aad u qaali ah laga soo bixiyey oo lagu dhejiyey derbiya. Muddo koobanna la waayey meel ay telefoonadii ka bexeen. Sidoo kale waxaa jaamacadda loo keenay Computerro, waxaana computeradii la geeyey suuqa.. Macallin jamacadda wax ka dhigi jirey ayaa yiri “marka aan jaamacadda Muqdisho laba sano wax ka dhigo waxaan guri weyn ka dhisan doonaa xeebah aloo tamashla tago ee Talyaaniga!). Dad madax ah oo ay Jariidaddu waraysatay ayaa sheegay in mashaariicda WaxSoo-Saar-Wadaagga ee dhex maray Talyaaniga iyo Soomaaliya aan wax tixgelin ah lagu siin jirin raadka ay ku reebayaan mujtaamaca Soomaaliyeed. Soomaali badan ayaa is weydiinaya, haddii xaalku sidaas ahaa xilligii ay Soomaaliya dawladda ahayd, hadda oo aan dawladi jirin xaggee xaalku joogaa! Cali Mahdi oo wax laga weydiiyey Sunta Halista ah ee ku duugan Soomaaliya. Gaar ahaan wadada u dhaxaysa Boosaaso iyo Garoowe. Waxa uu ku jawaabey “Ma doonayo in aan ka hadlo jidka u dhaxeeya Garoowe iyo Boosaaso, sababtoo ah waxaa arrintaas la xiriirtaa xilligii Siyaad Barre. Soomaalidu meel dheer ayey wax ka uriyaan oo waxay leeyahay san si wacan wax u uriya, waana arki lahaayeen haddii waxa noocaas oo kale ah la dhex gelin wadooyinka Soomaaliya. Ma heli kartid xitaa hal qof oo Soomaali ah oo arrintaas ka hadlaya ama wax ka sheegaya.” Waxana uu Cali Mahdi intaas raaciyey “Waxaa la igu eedeeyey in aan lacag ka qaatay Haraadiga Qashinka oo lagu daadiyey badda caalamiga ah oo aan anigu ansixiyay. Waa bad caalami ah. Mana ilaalin karno xitaa 50 km oo xeeb ah, ma haysano maraakiib, ma haysano wax aan ku ilaalino. Sidaas daraadeed waxaan aaminsanahay in dhaammaan arrimahaasi ay yihiin waxba kama jiraan, waa arrin la dhoodhoobay.” Kaddib Cali Mahdi waxaa la weydiiyey: Ma garanaysaa ninka lagu magacaabo Luciano Spada. Waxa uu ku jawaabey “Maya”. Ma garanaaysaa Nicholas Bizzio?.. ‘Maya’’, ayuu ku jawaabey. Ma garaanaysaa Enzo Sacchetto?.. ‘’Maya’’.. Ma garanaysaa Guido Garelli.?’ ‘’ Maya.’’. Ma garaneysaa Mashruuca “URANO”?. “”Weligay ma maqal”’, ayuu kujawaabey Cali Mahdi. Markaas ayaa la weydiiyey: xitaa ma maqal miyaa ciyaarta lagu magacaabo sudoku? ‘’Maya’’ ayuu yiri Mahdi. Laakiin Giancarlo Marocchino waxa uu sheegay in uu la xiriiray dadka aan xusay, gaar ahaan Garelli. Miyaadan aqoon Garelli? ayaa lagu yiri Cali Mahdi oo ku jawaabey, ‘’Anigaa.... maya, ma maqal weligay’’. Miyaan Garelli loo ansixin sun ku duugidda Soomaaliya, ayaa la weydiiyey. “Maya, sidee ayaan taas ugu samayn kaa dalkayga,” ayuu yiri Cali Mahdi. Markaas ayaa Cali Mahdi waxaa la tusay warqadda uu ku saxiixan yahay magaciisa oo uu u saxiixay ninka lagu magacaabo Prof. Ezio Scaglione. Warqaddaas oo muujineysa in uu ansixiyey goobo ama meelo ka mid ah Soomaaliya lagu aaso Haraadiga Qashinka. Waxaana la weydiiyey in warqaddaas uu isagu qoray August 19, 1996. Taasna Cali Mahdi waa ku gacan sayray. Markii Cali Mahdi uu sheegay in warqaddaasi tahay been abuur la macmalay, ayaa waxaa la xusuusiyey in ay ku saxiixan tahay calaamadda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo saxiixiisu ku yaal, waxaana la weydiiyey in uu garaanayo ninka lagu magacaabo Dr. Nuur Cali Gacal (Gal)? Waxaa Cali Mahdi ku jawaabey AXAD 8 MARCH 2009 “Cali Gacal waan garaanayaa”. Haddaba ayaa lagu yiri “Nootaayada Dr. Nuur (Cali Gacal) ayaa Xaqiijisay in Saxiixa ku qoran warqadda uu yahay Saxiixaaga.” Waxa uu markaas Cali Mahdi yiri “Maya, ma aha arrin aan samayn karo.” Waxaa markaas loo akhriyey wixii ku qornaa warqadda. Warqaddaas oo ku qoray Af-Talyaani oo SomaliTalk.com ku tarjumtey Af-Soomaali waatan: JAMHUURIYADDA SOMALIYA XAFIISKA MADAXWEYNAHA TIXRAAC: JS/XM/4-189/1996 MUQDISHU: 19/8/1996 MADAXWEYNAHA MARKAAN ARKAY: Baahida Loo Qabo Hirgelinta Xarun/Goob lagu Kaydiyo oo lagu Agaasimo Haraadiga Qashinka. MARKAAN ARKAY: Xiriirka Isaaminaadda iyo Wanaaggu ku dheehan yahay ee naga dhexeeya Muwaadinka Talyaaniga ah Professor Ezio Scaglione oo hore loogu sharfay Latalinta Jamhuuriyadda Soomaaliya. WAREEGTADAN SOO SOCOTA Aniga, oo ah Cali Mahdi, Madaxweynaha Kumeel-Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaan Wareegtadan aan Muqdisho ka soo saaray maanta, 19 Agoosto 1996, kaddib markii aan tixgeliyay Xeerarka/Qaanuunka xilligan la joogo ka jira Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya. WAXAAN ANSIXINAYAA In la sameeyo Xarun lagu Kaydiyo oo lagu Agaasimo Haraadiga Qashinka, Xaruntaas oo laga hirgelin doono goobo ku haboon, taas oo noqon doonta xarun la waafajiyo xeerarka ammaanka iyo xeerarka bay’adda/degaanka ee la xiriirta biyaha-dhulka/Juquraafi ahaa, iyadoo loo agaasimayo adeeg si aad ah u dhamaystiran oo loo ansixiyey, oo leh ah meeshii lagu soo dejin lahaa, meeshii la soo marin lahaa marka la soo qaadayo iyo ugu dambayn meesha maadooyinkaas (xamuulkaas) lagaga kaydinayo Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, sidaas daraadeed waxaan u ansixiyey Professor Ezio Scaglione in uu Hirgeliyo Mashruucan (kor ku) Xusan. Waxaa saxiixay: Madaxweynaha Kumeel Gaarka ah Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed Waxaa kale oo Cali Mahdi wax laga weydiiyey in uu garanayo ninka lagu magacaabo Giorgio Comerio? Waxana uu ku jawaabey. ‘Maya, ma garanayo’.’ LA SOCO AXADA DAMBE AXAD 8 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER Dagaalkii Ogaadeenya. Qormadda 2-aad W axaa kale oo jiray muran ku saabsanaa wejiga ay qaaradda Yurub yeelan doonto mustaqbalka, gaar ahaan Jarmalka oo ahaa dalkii jabay oo la hooshey. Waxaa arintaas xigay, in Soofyeetigu uu faraha la soo galo arimaha dowladihii ka dhisnaa bartamaha Yurub, gaar ahaan degaanka Balkaan. Taasina waxay ka dambeesay markii ay caga-dhigteen maamulladii shuuciga ahaa ee dowlaaddii Midowga Soofyeeti ay ka dhistay bariga qaaradda Yurub. Arinta Balkaan, waxay kordhisay dareenkii dowladaha reer galbeedku ka qabeen Soofyeetiga. Madaxweynihii Mareekanka S. Truman, ayaa wuxuu gudoonshay in dowladdiisu ay taageerto halgamada hubaysan oo lagu diidan yahay cadaadiska siyaasadeed. Aragtidaas oo loo yiqiin Truman-docrine, ayaa soo baxday sanadkii 1947-kii, waxayna ku wajahnayd ka hor-tagga is-ballaarinta shuuciyadda. Mareekanka, si uu Yurub uga saaro diiftii badnayd ee dagaalka ka soo gaadhay ayuu wuxuu diyaariyay mashruucii la magac baxay Marshall Plane, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in qaaradda dib loo dhiso. Waxaa jiray qorshe arintan hoos tiil oo ahayd in uu caqabad hor dhigo faafidda ay aragtida shuuciyaddu ku soo baahayso Yurub. Sidaa darteed, Soofyeetiga iyo dowladihii la xulufada ahaa waa ay diideen in ay qayb ka helaan kaalmada Mareekanka uu bixinayay. 5/ 6- 1947-kii, xoghayihii dowladda Mareekanka George C. Marshall, markii ugu horeesay ayuu ku dhawaaqay howlaha lagu kicinayo dib u habaynta dhismaha hoose ee dowladaha qaaradda Yurub. Qorshahaas oo fulintiisa ay socotay muddadii u dhaxaysay 1948 - 1952, ayaa Mareekanka waxaa kaga baxay dhaqaale ka badan 13 bilyan oo doolar. Xoolahaas waxay ku baxeen kaalmo deyn ah oo loo qaybiyay dhamaan dowladaha Yurubta galbeed. Waxaa halkaas ka abuurmay xiriir is-kaashi oo xagga dhaqaalaha ah ee dhex-maray dowladihii deeqdan qaatay iyo Mareekanka oo deeqbixiyaha ahaa. Xiriirkaas waxaa lagu magacaabaa ECA (Economic Cooperation Act). Dagaalkii Qaboobaa, ummado badan ayuu dhibaato u geystay, isaga oo ku keenay dhaawacyo culus hannaankii nololeed iyo kii dhaqan-dhaqaale oo ay hiddaha u lahaayeen. Taasina waxay ka dambeysay dowladihii tabarta yaraa ee madax-bannaanida qaatay ayaa siyaasad ahaan waxay W.Q. Dr.Sadiq Enow u diidanaayeen dowladihii gumeysatada, iyagoo u janjeersaday aragtidii dowladihii reer bariga. Isla markaas dhaqaale ahaan waxay ku xiraayeen dowladaha reer galbeedka. Mid kamid ah sababihii ugu horeeyay is-diidkii siyaasadeed ee ka dhexdhacay xoogaggii xulufada ahaa ee ku adkaaday dagaal-weynihii dunid ee labaad (1939-1945), waxaa kamid ahaa isku-qabsigii ka talinta dhulalkii uu Talyaanigu ku haysatay dulmaamulka (Soomaaliya, Eriteriya iyo Liibiya). Liibiya markii ay xoriyad heshay, Eriteriya waxaa federaal lagala dhigay maamulkii Itoobiya oo uu Xayle Selaese boqorka ka ahaa. Soomaaliya waxay noqotay meel kale oo muran xoogan ka dhex abuurta siyaasaddii ay ku wada socdeen dowladihii xulufada ahaa. Ingiriiska oo markaas gacanta ku hayay dhamaan gobolladii Soomaaliyeed, marka laga reebo, ayaa wuxuu soo bandhigay taladiisii ahayd in isaga faraha looga qaado maamulka gobolladan, dabadeedna uu gaarsiiyo dowladnimo buuxda. Faransiiska oo markaas Jabuuti gacanta ku hayay ayaa qaatay aragti ah in talada Soomaaliya la hoos geeyo Qaramada Midoobay Q. M. Soofyeetiga, wuxuu raacay taladii Faransiiska, wuxuuse ku darsaday in muddadaas la sameeyo maamul daakhili ah oo Soomaalidu ay iyaga is-maamulaan. Mareekanka ayaa markaas soo bandhigay talo ah in gobollada koonfureed iyo kuwa bariga iyo bartamaha loo celiyo Talyaanigii laga qabsaday. Sababtu waxay ahayd hiilo uu u geysanayay Talyaaniga si xisbigii dalka qabtay dagaalkii kadib oo ahaa Christian Democratic uu u helo qaab uu ku hanto maamulka dalkiisa. Waxaa kale oo jiray dhambaal uu xambaarsanaa go´aanka Mareekanka, kaas oo ah in Ingiriisku garto in uu dhamaadey xilligii uu siyaasadda dunida ka ahaa kabiir wax yeeriya. Mareekankana uu safka hore kaga jiro dowladaha kala wareegaya xilkaas. Sidaas ayay Soomaaliya waxay kaga mid noqotay dhibanayaashii ugu horeeyay ee uu Dagaalkii Qaboobaa ku reebay raad xoog badan. Gobolkan Ogaadeenya ayaa wuxuu yahay mid si toos ah iyo si dadbanba uu u dhaawacay dagaalkaas. Ayaan darrada aanu la wadaagno dad-yowga dhlkooda laysku haystay waxaa inoo dheer, dowladihii xulufada oo dhamaantood u janjeeray hiilka Xabashida. Waxaa taas ka culus hiilada ay ka heleen caqliga Soomaaliyeed ee guracan ee aanan qaangaarin. Caqliga ku dabran is eegasho gudaheena ah iyo u adeeg dan gaar ah. Qoraalladeenaan hore waxaanu wax kaga xuseynaa ummadihii uu gaaray dhimbilihii dagaalkaas iyo is maan-dhaafyadii uu ku reebay dowladihii adkaaday. Bartamihii sanadkii 1948-kii, waxaa dhimbil muran keentay ay ka shidantay magaalada Berliin. Dowladdii Soofyeetiga ayaa xayiraad ku soo rogtay gaadiidkii dhulka ee u kala shaqaynayay gobolladii Jarmalka Galbeed iyo xaafadihii galbeedka kaga yiil degmada Berliin. Waxaa xusid mudan magaalada Berliin, inkasta oo afartii xoog ee adkaaday ay wada galeen, misana ay bartamaha kaga tiil dhulkii ay ciidamada Soofyeetiga qabsadeen. Taasi waxay magaaladii ka dhigtay jasiirad ku dhextaal badweyn ciidamadii casaa ah. Xiriirkii oo xumaaday darteed, Soofyeetiga waxay maamulkii xulifada oo reer gelbeedka ahaa ka reebeen in ay xagga dhulka ugu kala gooshaan degmada iyo gobolladii ay haysteen. 27/ 6- 1948-kii ayay xayiraadaasi bilaabatay. Arintaasi waxay ka danbeysay markii ay dowladihii reer galbeedka ahaa damceen in ay Jarmalka u sameeyaan lacago mid ah. Soofyeetiga ayaa markiiba lacag u soo daabacay degaankii uu isagu maamulayay ee ku yiil dhanka bari. Taasina wuxuu uga dan lahaa in kala gooynta Jarmalka ay noqoto qadiyad aanan dood gelin. Dhibaatada xayiraadda waxay socotay tan iyo 1/ 5- 1949-kii. Soofyeetiga ayaa markaas doonayay in uu dagaal maskaxeed ku qaado reer galbeedka. Wuxuu bedelay muuqaalkii ay lahaayeen xaafadahii magaalada Berliin. Wuxuu dhisay derbi weyn oo taagiisu yahay 4 m. oo magaalada kala teeda. Dhanka bari waxay noqotay meel uu fadhiyo maamlkii isaga la xulufada ahaa. Dhanka galbeed oo ay ku noolaayeen dad laba melyan gaaraya, ayaa muddadaas laga quudinayay xagga hawada. Muddadii ay xayiraadu taagnayd, daqiiqad walba dayuurad xamuul ah ayaa soo cagadhiganeysay gegida dayuuradaha ee Berliin. . (Swedish National Encyclopedia. 1993. Vol. 2, p. 467). Dowladihii reer galbeedka waxay xayiraadan kaga jawaabeen in sanadkii xigay ay Jarmalka ka dhisaan dowlad isu-tag ah oo ka kooban gobolladii ay kala haysteen. Waxaa halkaas ku baxay magaca 6 Dowladda Federaaliga ah ee Jarmalka. Isla sanadkaas waxaa la dhisay is-bahaysiga ciidameed ee North Atlantic Treaty Organisation NATO. Sanadkaas waxaa dhacay kacdoonkii degmada Parag oo markaas ahayd magaaol-madaxdii dalkii la oran jiray Tjeckoslovakia. Dad-weynaha kacdoonkaas dhigay waxay diidanaayeen maamulkii shuuciga ahaa ee halkaas ka dhisnaa. Waxaase cadaadiyay ciidamadii Soofyeetiga oo si toos ah ugu soo hiiliyay maamul ay dhiseen rag shuuciyiin ahaa. Dad gaaraya 100.000 ayaa loo taxaabay xabsiyada iyo shaqooyinka culus. Isla markaas dowladdii Soofyeetigu waxay bilawday in ay bariga Yurub ka dhisto dowlado sita magac dimoqraadiyadeed oo hal xisbi u taliyo. Dhismaha is-bahaysiga NATO, Soofyeetigu waxay kaga jawaabeen, in gobolkii ay ka haysteen Jarmalka ay ka dhisaan dowladdii la oran jiray Dowaladda Jarmalka Dimoqraadiga. Waxaa kale oo ay dhiseen is-bahaysigii dhaqaalaha oo la oran jiray COMECON (The Council of Mutual Economic Cooperaion), kaas oo ku dhisnaa wax is-dhaafsi iyo qeybsi wax soo-saar. Sanadkii 1955-kii, dowladdii Is-bahaysiga ee Jarmalkii galbeed, waxay ku biirtay is-bahaysigii ciidamada ee NATO. Soofyeetiga ayaa arintan kaga jawaabay in uu dhiso is-bahaysigii ciidameed ee dowladihii reer bariga oo la oran jiray WARSZAWA. Waxaa halkaas ka abuurmay labo xulufo oo haysta hub halis ah, kuwaas oo Yurub bartamaheeda degay, isla markaasna aragtidooda siyaasadeed ay is diidan tahay. Bilowgii sanadkii 1950-kii, Mareekanku wuxuu heshiis la dhigtay Jabaan. Heshiiskaas waxaa ku xusan in Mareekanku ka helo dhulka Jabaan saldhigyo ciidameed oo uu muddo dheer fadhiyo. Taasi waxay ka caraysiisay dowladihii shuuciga ahaa, gaar ahaan Soofyeetiga iyo Shiinaha. Dabadeed iyada oo aanan wax sabab ah oo horaysay eeyan jirin, ayaa dowladda Waqooyiga Kuuriya ay bartamihii sanadkaas, ku duushay Kuriyada koonfureed. Markaas dowladda Waqooyiga Kuuriya waxay sheegatay in iyada lagu soo duulay, runtuse waxay ahayd in Soofyeetiga iyo Shiinuhu ay gadaal ka taagnaayeen iyaga oo kaga jawaabayay heshiiskii Jabaan. Markiiba, dowladaha Mareekanka iyo Ingiriiska ayaa si buuxda ugu hiiliyay Kuuriyada Koonfureed oo ciidamo u diray, iyaga oo weliba ogolaansho ka haysta Q. M. Markaas waxaa bilowday in Dagaalkii Qaboobaa uu ka soo wareego Yurub, isaga oo u soo tallaabay dowladihii ku yiil bariga fog. LA SOCO AXADA DAMBE TOWFIIQ COMERCIAL CENTER KALA XIRIIR SHIRKADA GANACSIGA EE TOWFIIQ TELL:- 821111/16, OFFICE =825055/790003/790000 FOODSTAFF BUILDING=823018 BUILDING MATERIAL =826107 5 ILAYS NEWSPAPER Telcom Puntland AXAD 8 MARCH 2009 HORYAAL PRINTING CENTER Bosaso, Somalia ADEEGYADA DAABACADEED EE HORYAAL DIYAARKA KUULA TAHAY Shirkadda Telcom Punland oo ku soo kordhisay adeega GSM-ka (Mobile-ka) Features Casri ah Garaac si aad u dalbatid adeegyada TELCOM-PUNTLAND Riix si aad ugu darsato numberadda Family-ga (FN) Riix si aad u Dalbato adeega numberada ku gafay (Missed call) Riix si aad u ogaato lacagta kuugu jirta Riix si aad lacag ugu shubato Riix si aad u la xiriirto qaybta adeega macaamiisha Riix Si aad Qof kale lacag ugu shubto 141 146 144 221 222 143 333 QORAAL AHAAN Riix Riix Riix Riix Riix Riix Riix si si si si si si si aad aad aad aad aad aad aad Lacag ugu shubato u ogaato lacagta kuugu jirta lacag u xawishid u bedesho password ka u ogaato Numberkaaga u dalbatid deyn u ogaato lacagta dheeriga ah *141*pin# *142# *143# *156# *145# *149# *146# •Divert all incoming calls : * 2 1 * (Phone Number) # ok •To Divert when no response: * 6 1 * (Phone Number) # ok oIn case of no access or busy * 6 2 * (Phone Number) #ok •Qaabka loo joojiyo Forwarding-ka Si aad u joojiso Forwardingka isticmaal # 21 # ok •Qaabka lacagta loo xawilo adiigo isticmaalaya qoraal *143#Password Number*1* 252 your number# •Qaabka loo badasho Password *156#Old Password#New Password# Shirkadda Telcom puntland waxay ugu bishaaraynaysaa macaamiisheeda in ay ku soo kor dhisay Landline-ka Features noocii ugu danbeeyay ee dunida laga isticmaalo manta,shirkadda Telcom Puntland waxay kaloo ku sahashay in landline-ka shirkadda aad u isticmaali kartid in aad lacag la’aan ku wacdo goboloda puntland oo dhan Buugta Akhriska Buugta Iibka & Adeegyada Bulshada Receipt Vouchers Payment Vouchers Invoices Cash Sales Daily Sheets Business Cards Envelops Stickers Prescription Register Books Text Books I.D Cards Certifications Flyers Invitations Cards KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA DAABACADEED WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U RABTO & QIIME KURAALI GALIYA Shirkada Telcom Puntland xarunteeda weyn waxay ku taal magaalada Boosaaso, waxaana shirkadu ay xarumo ku leedahay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Wixii Faahfaahin ah:Tell: Tel: 002524500007 AMA 143 OO AH QAYBTA QANCINTA MACAAMIISHA Wixii faahfaahin ah kala xiriir www.telcompuntland.com Tell :- 824299/796169/ 726169 [email protected] BOSASO SOMALIA
Benzer belgeler
Waxaa qoray: xuseen Axmed Salaad.
baaxadiisu gaareyso 8 milyan oo hektar, kaas oo u
dhigma 13% bedka dalka oo idil. Balse sababo
badan aawadood dhulkaasi ma noqonin mid la
beerto oo laga faa’ideysto. Sanadkii 1984tii waxay
Habka Magan Gelyada Calaamiga ah ee Turkey XUQUUQAAHA
kuwaas ku yaala, magaloyinka kala ah Yozgat iyo Ezurum. Intaas waxaa dheer caruurta da,
doo yarta oo cid la socon oo magan gelya raadiska ka ah turkigaga wax lo qorsheeyay goob
xarmumo dawlada oo a...
Carwadan waxaa lagu soo bandhigi doonaa
Carwadan waxaa lagu soo bandhigi doonaa akhbaaro iyo habab
ganacsatada yar-yar ay ku heli karaan fursado lagu bilaabo ganacsi
amaba ay ku balaadhiyaan ganacsigooda, oo ay ka mid yihiin:
Saygılarımızla, Riaz Shah, Aidan Sadgrove, Natasha Porter Müdür
This
letter
is
available
online
in
other
languages
Bu
mektup
Türkçe
çevrimiçi
kullanılabilir
Ten
list
jest
dostępna
online
w
języku
pol...